
Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa goor dhaw xukun dil ah ku riday Labo ka mid ah ragii loo haystay dilka Hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay, kuwaasoo lagu dilay deegaano hoostaga deeganka Qayib ee dhulka Maamulka Galmudug.
Labada eedeysane ee dilka lagu xukumay ayaa kala ah Cabdi Cismaan Cabdullaahi iyo Galad Axmed Xuseen, Sidoo kale eedeysane Ayub Maxamed Cabdi ayaa lagu xukumay xabsi dhan 5 sano.
Dhanka kale Maxkamadda waxay maamulka Galmudug u xukuntay labada qorey oo ahaa nuuca AK47 oo ah qoryaha dilka lagu gesytay islamarkaana raga gacan ku dhiiglayaasha ahaana dilka lagu xukumay,si kastaba Maxamada waxay sheegtay in xukunka uu yahay mid caddaalad u horseedaya qoyska dhibbanayaasha iyo bulshada ku nool Galgaduud.
Gudoomiyaha Maxkamada markii uu soo gabagabeeyay ku dhawaaqista xukunka wuxuu sheegay in cid kasta oo aan ku qanacsaneyn xukunka Maxkamada ay u furan tahay inay cabasho u qaataan Maxkamada sare ee Galmudug mudo 30 cisho ah oo ka bilaabanaysa maanta oo ah 30-ka bisha November.




















