Gacankudhiigle lagasoo qabatay Kenya oo maanta laga dejiyay Garoowe + Sawirro

106

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta magaalada Garoowe ka dejiyay eedeysane Maxamed Cumar Ciise oo maalin kahor ciidanka booliska caalamiga ah ay kasoo qabteen dalka Kenya.

Hoggaanka xiriirka dibadda ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Interpol ayaa Muqdisho ka qaaday eedeysane Maxamed Cumar Ciise oo loo heysto inuu horay u dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Faarax 17-05-2024, kaasi oo horay waaran soo qabasha ah uu ugu jaray xafiiska xeer ilaliyaha guud ee qaranka.

Ciidanka booliska Soomaaliyeed qeybta arrimaha dibadda ee Interpol, ayaa eedeysanaha ku wareejiyay laamaha ammaanka gobolka Nugaal, si loo horgeeyo maxkamadda awooda u leh.

Booliska Soomaaliya ayaa shalay sheegay in ninkan oo isticmaalay magaca been abuur ah uu ka gudbay xadka Soomaaliya, kadibna ay la wadaageen Interpol oo soo qabatay.

“Waaran soo qabasho ah oo usoo jarey xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo tixgeliyey codsiga ka yimid maxkamada gobolka Nugaal ayaa hoggaanka xiriirka dibadda (Interpol) ee Booliiska Soomaaliyeed ka codsadey in lasoo qabto eedeysane Maxamed Cumar Ciise 30 jir ah, kuna eedeysan inuu dilay, Marxuum Maxamed Axmed faarax taariikhda marka ay aheyd 17-05-2023, isagoo isticmaalay Qori AK47 ah kadibna u baxsaday dalka Kenya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliska Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu yiri “Hoggaanka xiriirka dibada ee Booliiska Soomaaliyeed ayaa xogtiisa la wadaagay xafiisyada Kala duwan ee Booliska caalamigga ah ee Interpol, waxaana la ogaadey inuu ku noolyahay Kenya, uuna Isticmaalay magaca Cabduqaadir Cumar Cali si aan loo aqoonsan.”
Kahor inta aan lasoo qaban eedeysanaha ayaa 21-06-2024 tegay safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya, si uu u jarto dukuminti laabasho ah (Go Home), wuxuuna ku jartay magaca been abuurka ah ee Cabduqaadir Cumar Cali.

“Xarunta Booliska caalamiga ah ee Interpol ayaa si toos ah ugu soo wargelisay hoggaanka xiriirka dibadda ee Booliiska Soomaaliyeed in eedaysanaha uu kusoo wajahan yahay magaalada Muqdisho, saakana garoonka Diyaaraha Aadan Cadde laga soo qabtay ,waxaan lagu wareejin doonaa maxkamada gobolka Nugaal si loo marsiiyo cadaaladda,” ayaa lagu yiri qoraal uu Booliska shalay soo saaray.