War qoraala oo ka soo baxay Maamulka Galmudug ayaa lagu shaaciyay amar ay ku mamnuucayaan in dekada Hobyo ee Gobolka Mudug laga soo dejin karo ganacsi ahaan gaariga Soomaalidu u taqaan Cabdi-Bilaha ee magaciisa rasmiga ah uu yahay Toyota 4WD.
Gaarigaan Cabdi-bilaha loo yaqaan marka Somalia la joogo waxaa kaliya loo isticmaala gaadiid dagaal mana jirto in Somalia siyaabo kale looga adeegsado,wuxuuna lacag badan ku yimaadaa Soomaaliya.
Qoryaha waa weyn sida Dhashiikaha, dhuunta shilke iyo B10-ka ayaana la saartaa marka la eego isticmaalka ciidamada Dowlada,mamul Goboleeedyada iyo xitaa kuwa maleeshiya beeleedka.