Galmudug: “Odayaasha shabaab aaday shaki la’aan iyaga ayey noola midyihiin”

1704

Maamul Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in ay tallaabo ka qaadayaan Odayaasha dhaqanka degaannada Galmudug ee dhawaan iska diiwaangeliyay meelaha ay ka taliyaan Al-shabaab.

Taliyaha Qeybta Booliska Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa sheegay in ay ka warqabaan Odayaashaas.

Waxaa uu Taliyaha ku hanjabay in ay tallaabo ka qaadayaan Odayaashaas oo uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo fulayo ah.

Taliye Gadaar ayaa sheegay in Odayaasha tagay degaannada Al-shabaab ee ka baxay Galmudug aysan ku laaban karin degaannada Galmudug.

Waxaa uu ugu baaqay in ay halkooda joogaan islamarkaana Maamulka Galmudug ay ula midyihiin Al-shabaabka ay iska diiwaangeliyeen.

Maxamed Nuur Cali ayaa sheegay in Odayaasha ay cadowga ka mid noqdeen sida uu hadalka u dhigay islamarkaana iska dhicin doonaan.

Odayaasha kale ee ku howlan in ay aadaan degaannada ay ka taliyaan AL-shabaab ayuu ugu baaqay in aysan aadin haddii kalena aysan ku soo laaban degaannada Maamulka Galmudug