Galmudug Oo Baabuur Qaali Ah Ku Wareejiyey..+SAWIRRO

1888

Madaxweyne ku xigeenka dowlad Gobaleedka Galmudug mudane, Cali daahir Ciid, ayaa maanta wasaaradda waxbarashada Galmudug ku wareejiyay labo gaari oo loogu talagalay in loogu adeego wasaaradda waxbarashada Galmudug.

Gaadidkan waxaa wasaaradda waxbarashada Galmudug ku deeqay barnaamijka iskaashiga caalamiga ah ee waxbarashada, waxaana kala wareegay madaxweyne ku xigeenka DGGM, isagoona ku sii wareejiyay siihayaha wasiirka wasaaradda waxbarshada Galmudug maxamed deeq Cabdi (Falko)

Siihayaha wasiirka wasaarada waxbarashada Galmudug ayaa ka mahadceliyay soo gaarsiinta gaadiidkan oo baahi xoog leh u qabtay wasaaradda waxbrashada Galmudug.

Ugu danbeyn madaxweyne ku xigeenka Galmudug mudane Cali Daahir ciid ayaa madaxda iyo shaqaalaha wasaaradda waxbarashada galmudug kula dar daarmay gacan ku heynta Gawaaridan.