Galmudug oo Ciidamo horleh geeysay degaan u dhow Dhuusamareeb +SAWIRRO

1387

Taliska qeybta 21aad gaar ahaan guutada 15aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa ay Ciidamo dheeraad ah geeyeen degaanka Ceeldheere iyo deegaanada ku dhow, halkaas oo dhowr jeer ay dhaq dhaqaaqyo ka sameeyeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha taliska qeybta 21aad ayaa waxaa ay sheegeen inay Ciidamada ka qeyb qadan doonaan sugida amniga wadada isku xirta Magaalada Dhuusamareeb oo ah Caasimadda Galmudug iyo degmada Guriceel ee Gobolkaasi Galgaduud.

Goobaha Ciidamada dheeraadka ah la geeyay ayaa waxaa kormeer ku tegay Taliyaha Guutada 15aad Janeraal Macsuud Maxamed Warsame, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta Galmudug Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Abuukar Xasan & Saraakiil kale.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta Galmudug Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Abuukar Xasan ayaa faray askarta la geeyay degaanka iyo kuwii horay u joogay inay fuliyaan amarrada saraakiisha ka sareeysa, isla markaana ay gutaan waajibaadkooda Shaqo ee la xiriira sugida amniga.

Waxaa uu sheegay in aan laga aqbaleyn Ciidamada inay sameeyaan amar diido, waxaana uu sheegay in qofkii lagu helaa la horgeyn doono Maxkamadda Ciidamada qalabka sida.

Degaannada Taiska qeybta 21aad uu Ciidamada dheeraadka ah geeyay ee ku yaal duleedka magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa dagaalo ka dhacay si awood ah Al-Shabaab ugala wareegay Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya.