Galmudug Oo Dib U Dhigtay Doorashada 3 kursi

709

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shaacisay inay dib u dhigtay doorashada saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Gaalkacyo.

Qoraal kasoo baxay Guddiga saqdii dhexe ee xalay ayaa waxaa lagu sheegay marka hore in Guddiga uu dib u dhigay shaacinta Guddiga xulista ergada kuraasta HOP#095, HOP#038  HOP#069, lana shaacin doono Maanta oo jimco ah, sida uu qorshahu yahay.

Sidoo kale Guddiga doorashada Galmudug ayaa caddeeyay in diiwaang-elinta iyo shahaado siinta Musharixiinta saddexda kursi ee Golaha Shacabka laga dhigay maalinta sabtida oo ay taariikhda ku beegan tahay 12/03/2022.

Ugu dambeyn Guddiga doorashada Galmudug ayaa sheegay in doorashada saddexdaas kursi la qaban doono maalinta Axadda 13-ka bishaan Maarso 2022, waxaana doorashada ay ka dhaceysaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Kursiga tirsigiisu yahay #HOP069 oo uu ku fadhiyo Xildhibaan C/raxmaan Odawaa ayaa la filayaa inuu noqdo kursi siweyn loogu loolamo, isla markaana waxaa Musharaxiinta u sharxan ku jira Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-cadaala.

Maamulka Galmudug ayaa si dardar leh u wada doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana haatan doorashadoodu ka socotaa deegaan doorashada labaad ee Gaalkacyo.