Galmudug Oo diiday Shirka Culimada Ee Muqdisho +VIDEO

1904

Maamulka Galmudug ayaa gabi ahaanba qaadacay shirka Culimada ee ka socda magaalada Muqdisho ee casimadda dalka.

Xubnihii Galmudug ku matalayey shirkan ayaa isaga baxay, kadib markii ay sheegeen in wasaaradda arrimaha diinta iyo awqaafta ay musuq sameysay.

C/shakuur Macalin Ciise, wasiirka arrimaha diinta iyo awqaafta ee Galmudug ayaa sheegay in dowladda federaalka ah ay shirkaasi ku casuuntay dad iyaga u gaar ah islamarkaana sida ay hadda wax u socdaan aysan ku qancin ka maamul ahaan.

Wasiirka ayaa sheegay in go’aankan yahay mid guud oo ay qabaan madaxda dowlad goboleedka Galmudug oo uu ugu horreeyo madaxweyne Xaaf.