Galmudug oo gubtay Jaad farabadan +SAWIRO

2058

Laamaha Ammaanka ee Magalada Cabudwaaq ee waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa Maanta meel fagaare ku gubay jaad ( Qaad) si dhuumaaleysi ah lagu soo geliyey Magaalada,kaas oo la mamnuucey si looga hortago Cudurka Coronavirus.

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Booliska Galmudug ee degmada Cabudwaaq ayaa Gudaha iyo daafaha Magaalada looga soo qabtey Jaadka,isla markaana Maanta la gubey.

Taliyaha Booliska degmada Cabudwaaq Qalbi Nuur ayaa sheegay in howl ay sameeyeen ay kusoo qabteen 5 Ruux iyo gaadiidka jaadka lagu waday kuwo kalena ay baxsadeen oo ay ku raad joogaan.

Waxaa uu digniin u direy dadka jaadka oo la mamnuucey soo geliya Gudaha Magaalada,isaga oo sheegay in ilaa iyo mar kale uu kasoo baxo amar dowladda Federaalka jaadka (Qaadka) uu mamnuuc ka yahay in lasoo geliyo degmada Cabudwaaq.