Galmudug oo lagu wareejiyay Gaadiid +SAWIRRO

1784

Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Dowlada Faderaalka Soomaaliya ayaa Shan Gaari iyo Agab kale oo ay ka mid yihiin Matooro ku wareejisay Wasaarada Beeraha Dhirta iyo Daaqa Dowlad Goboleedka Galmudug.

Siciid Xuseen Ciid Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Dowlada faderaalka ayaa furayaasha shantan gaari ku wareejiyay Wasiirka Beeraha Dhirta iyo Daaqa Galmudug Axmadnuur Xaaji Cusman oo ay wehliyeen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha Galmudug iyo Agaasimayaasha Wasaarada waxa uuna Xusay in Agabkan wax looga qaban doono la dagaalanka Ayaxa.

Gaadiidkan iyo matoorada saaran ayaa waxa ay ku yimaadeen iskaashi Dhexmaray Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya iyo Hay’ada Beeraha Aduunka ee FAAW waxaa loo adeegsan doonaa dagaalka lagula jiro Ayaxa ku habsadey Dhul daaqsimeedka iyo Beeraha Galmudug oo mudoba la tacaalidiisu socotay .