Galmudug oo lagu wareejiyay Gaadiid dagaal +SAWIRRO

1930

Madaxweynaha Galmudug ay wehliyaan masuuliyiin kale oo katirsan maamulkaasi ayaa maanta qado sharaf si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa loogu sameeyay Degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud halkaas ay ku tageen safar shaqo.

Qado sharafta kadib ayaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka maamulka Galmudug waxaa lagu wareejiyay gaadiid dagaal oo isugu jiray kuwa yar yar iyo kuwa waa weyn iyo maleeshiyaadkii saarnaa.

Waxgaradka Beesha Degta degmada Balanbale ayaa sheegay in ay go’aansadeen in hubkooda iyo maleeshiyaadkooda ku wareejiyaan Madaxda Galmudug si loo qarameeyo ugana mid noqdaan ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo ka hadlay munaasabada hubka iyo maleeshiyaadka lagula wareejinayay ayaa u mahad celiyay waxgaradka Beesha degta Balanbale, waxa uuna balan qaaday in ciidankan la qarameyn doono.

Maamulka Galmudug ayaa horey beelo dega gobolka Mudug ugu wareejiyeen hub iyo ciidamo maleeshiyaad ahaa, kuwaa oo la geeyay xerto tababar si ay u qaataan tababar ugana mid noqdaan ciidamada Daraawiishta Galmudug.