Galmudug oo qabatay ragii ka dambeeyay dil ka dhacay Dhuusamareeb+COD

1551

Madaxa Xukuumadda Dowlad Goboleedka Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Galmudug ay gacanta ku dhigeen dadkii ka dambeeyay dilka 4-ruux oo lagu dilay duleedka magaalada Dhuusamareeb.

Shiikh Maxamed Shaakir ayaa ku tilmaamay falka ay raggan ku kaceen kuwo aan wanaagsanayn waxana uu shaaciyay in maxkamad la horgeyn doono.

Madaxa xukuumada Galmudug Shiikh Shaakir ayaa sheegay in Maalmihii lasoo dhaafay Ciidamada Ammaanka Galmudug ay wadeen howlgalo ay ku raadinayaan dadkaan oo dil u geystay afar ruux oo la sheegay in ay shinni ku xanaaneynayeen deegaanka Bulucle ee duleedka magaalada Dhuusamareeb.

Hase yeeshee ma sheegin Shiikh Maxamed Shaakir tirada dadka loo soo qabtay inay ka dambeeyeen dilka loo geystey afarta ruux ee xoogsatada ahayd.

Afarta ruux ee lagu diley duleedka magaalada Dhuusamareeb ayaa ka soo jeeday gobolada Koofurgalbeed waxana magaalada Dhuusamareeb laga dareemayaa in dadka ka soo jeeda gobolada Koofurgalbeed ay isaga baxayaan magaalada kadib markii la soo deristey cabsi.