Wararkii ugu danbeyey Ee Dhusa mareeb ka imanaya ayaa sheegaya In Maalmihii ugu danbeyey Halkaa ay ka soconayeen Kulamo aan loo kala kicin, kulamadaan ayaa udhaxeeya Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya Abdi Mohamed Sabriye iyo Madaxda Maamul Ahlusuna, Ee Gobolada Dhexe
Kulamada ayaa inta badan diiradda lagu saarayay Sidii Xal waara looga gaari lahaa Khilaaf Siyaasadeed ee weli ka dhex hirra Ahlusuna iyo Dowladda Dhexe
Ma jiraan wax is afgarad ah oo kulmadda labada dhinac ka soo Baxay Islamarkaana xal waara unoqan karra Dhismaha Galmudug mideysan