Galmudug oo shaacisay 11 kursi oo lagu dooranayo Gaalkacyo

1072

Guddiga doorashada maamulka Galmudug ayaa shaaciyay qabashada doorashada 11 kursi oo ka mid kuraasta Golaha Shacabka ee taala magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo ah deegaan doorashada labaad ee maamulka Galmudug.

War qoraal kasoo baxay guddiga hirgelinta doorashada Galmudug ayaa lagu soo bandhigay liiska 11 kursi oo kala ah HOP 001, HOP 018, HOP 038, HOP 101, HOP 060, HOP 095, HOP 069, HOP 017, HOP 020, HOP 013, HOP 021.

Shaacinta kuraastaan ayaa imaaneysa xili Maanta guddiga doorashada Galmudug ay magaalada Dhuusamareeb ku qabteen doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka, waxaana maamulka Galmudug uu ka mid yahay maamulada sida dardarta leh ku wada howlaha doorashada kuraasta Golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Kuraastaan ayaa waxaa ku kala fadhiya

1- HOP#001 – waxaa kursigaan ku fadhiyo Warsame Maxamed Xasan (Joodax)
2- HOP#018 – Qaasim Maxamed Jaamac.
3- HOP#038 – Axmed Macalin Fiqi, Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug .
4- HOP#101 – Xersi Aadan Rooble, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada .
5- HOP#060 – waxaa hadda ku fadhido Ubax Tahliil Warsame.
6- HOP#095 – Cabdikariin Khaliif Cabdi (Dhalac).
7- HOP#069 – Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa.
8- HOP#017 – oo ay hadda ku fadhiso Duniya Maxamed Cali.
9- HOP#020 – Cali Axmed Shariif Cusmaan.
10- HOP#013 – Maryan Maxamed Xuseen.
11- HOP#021 – Maryan Xaaji Cabdi Geedi.

Hoos ka akhriso liiska ay soo saareen guddiga doorashada Galmudug.