Galmudug oo xiriirka ujartay Dowladda dhexe+COD

1636

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda galmudug ayaa lagu hakiyay wada shaqeyntii kala dhexeeysay Dowladda Soomaaliya.

Galmudug waxaa ay joojisay xiriirkii wada shaqeyneyd ee dowladda federaalka inta heshiis siyaasadeed laga gaarayo arrimaha; dhameystirka dastuurka, doorashooyinka federaalka iyo amniga qaranka.

Sidoo kale Warsaxaafadeed oo aad u dheeraa ayaa galmudug waxaa ay beesha caalamka ka dalbatay inay si dhow ula socdaan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo in aysan aqoonsan sharciyada ay waddo xukuumadda soomaaliya iyo in ay xoojiyaan la xisaabtanka dowladda federaalka.

Arintan ayaa ku soo aadaysa xilli uu aad u xun yihiin xiriirka u dhexeeya dowladda Dhexe iyo kuwa Maamul gobaleedyada qaar.

Halkan ka Akhriso