Ganacsada Muqdisho Oo Hal Oo Dollar ugu yaboohay, Gurmadka Fatahaadaha.

1908

Waxaa magaalada Muqdisho maanta lagu qabtay kulan uu soo qaban qaabiyay Rugta ganacsiga Soomaaliyeed, kaasoo yabooh dhaqaale loogu uruurinayay dadka uu saameeyay Fatahaadaha Wabiyada Jubba iyo Shabelle, iyadoo dhibta ugu daranna ay gaartay dadka ku nool magaalada Beledweyn.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa balanqaaday in wajiga hore ee gurmadka ay uga qeyb qaadanayaan $1,000 000 (Hal Milyan oo Doolar), waxeyna sheegeen iney haatan gacanta ku hayaan 630 Kun  oo Doollar, todobaadyadana ay iska soo uruurinayaan inta Halka Milyan ka hartay oo ah 370 Kun oo Doolar.

Ganacsatada Suuqyada Bakaaro iyo Suuq Bacaad, ayaa balanqaaday iney iyaga iska soo uruurinayaan lacagta hartay, si deg deg loogu gaarsiiyo dadka u baahan ee ay saameysay Fatahaadaha Wabiyada.

Guddoomiyaha Rugta ganacsiga Soomaaliyeed C/Kariin Gabeyre, ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay Fatahaadahan, wuxuuna Ganacsatada faray iney kaalin ka qaataan dadaalada socda ee loogu gurmanayo dadka uu saameeyay Fatahaadaha.

Waxa uu carabka ku dhuftay in fadhiga maanta ay soo xaadireen Hoggaanka 35 Shirkadood oo kamid ah kuwa ugu Caansan magaalada Muqdisho, isagoo raja ka muujiyay in gurmadka la uruurinayo uu si deg deg ah u gaaro dadka loogu talagalay.

Kulanka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Culimada Soomaaliyeed, sida Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Sheekh Cali Wajiis iyo Sheekh Soomoow, waxaana ugu danbeyn la sameeyay Guddi ka kooban 15 xubnood oo ay qeyb ka yihiin Culimada Soomaaliyeed.