Ganacsade caan ahaa oo lagu dilay Baladweyne

339

Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeysan oon heybtooda la garan dileen, mid kamid ah ganacsatada caanka ah ee ku dhaqan magaaladaasi.

Ragga hubeysan ayaa salaadii maqrib kaddib xaafada Howlwadaag ee magaalada Baladweyne ku dilay Ganacsade Xasan Daahir Cali (Naajeeriya) , waxaana ganacsadaha qeybaha sare ee jirka looga dhiftay dhowr xabadood.

Dilka kaddib ayaa la sheegay in goobta isaga baxsadeen ragii hubeysnaa ee dilka geestay, ciidamo katirsan booloiiska iyo nabad sugida ka howlgala magaalada Baladweyne ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay , kuwaa oo bilaabay howlgalo aan guuleysan.

Magaalada Baladweyne ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo lo geesto ganacsatada iyo waxgaradka magaaladaasi ku dhaqan, waxaana magaaladaasi marar badan lagu dilay dad waxgal u ahaa bulshada.