Ciidanka Boliiska Gobolka Banaadir ayaa soo xiray eedeysane Maxamed Bashiir Axmed xarun ganacsi ku leh Muqdisho
Ninkan ayaa lagu eedeeyey inuu ku kacay fal baal-marsan sharciga dalka iyo in la buriyo habraacii Cashuuraha Dalka gaar ahaan canshuurta iibka ee dhowaan DF ay ku soo rogtay dadka wax iibsanaya.
Ninkan ayaa baraha bulshada soo dhigay muuqaal uu iska duubay oo muujinaya isagoo ku sugan goobtiisa ganacsiga, isla markaana jeexjeexaya warqada uu ku qoran tahay nambarka Merchantiga ee qaabilsan inuu macaamiisha ku diraan canshuurta iibka %5.
Sidoo kale muuqaalka ayaa muujinaya ninkan oo nambarka uu jeexjeexay ku bedelaya nambar EVC caadi ah oo aan loogu talo in loogu talo gelin in lagu diro lacagaha canshuurta iibka.