Ganacsade la dhashay Wasiir caan ah oo Muqdisho lagu dilay

207

Nin hubeysan oo katirsan dagaalyahannada Al Shabaab ayaa maanta salaadii Jimcaha kaddib nin ganacsade ahaa ku dilay waaxda October ee degmada Hodan.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in ninka hubeysan qaarka sare ka toogtay ganacsade lagu magacaabayay Isaaq Aadan Cali oo la dhashay wasiirka Caddaaladda Koonfur Galbeed Najax Aadan Cali.

Ninka dilka u geestay ganacsade Isaaq Aadan ayaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen askar katirsan ciidanka dowladda oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn goobta uu dilku ka dhacay.

Ciidamada booliiska gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay ninka dilka u geestay ganacsadaha, waxa ayna sheegeen booliiska in ninkan loo gudbinayo maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Ganacsadaha maanta lagu dilay magaalada Muqdisho ayaa wararka qaar sheegayaan in uu diiday in uu Al Shabaab uu siiyo lacago baad ah ay ka doonayeen.