Garabka Mahdi Guuleed oo guddoomiye doortay

1204

Guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi ee dalka garabka uu hoggaaminayo Ra’iisulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa doortay guddoon ka dib doorasho ka dhacday xerada Afisyooni.

Waxaa Guddoomiyaha guddiga loo doortay Khadar xariir Xuseen, iyada oo aysan goobta soo xaadirin Afartii Xubnood ee Gudoomiye ee uu soo magacaabay Gudoomiye Cabdi Xaashi.

Doorashada ka dhacday xerada Afisyooni ayaa waxaa amarkeeda lahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Goobta ay doorashada ka dhacday ayaa waxaa ku sugnaa wasiiro iyo xubno ka socday Xafiiska Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Dhanka kale, garabka Cabdi Xaashi ayaa lagu wadaa in dhankooda ay doortaan guddoon Saacaddaha soo socda taasoo sii dheereyneyso khilaafka u dhaxeeyo guddiga doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ka hadlay munaasabad ka dhacdey magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku eedeeyay ra’iisul wasaare Rooble inuusan dhexdhexaad ka ahayn khilaafka siyaasiyinta gobolada Waqooyi.