Garoowe: 6 Musharax oo tanaasushay

1879

Wararka aan Caawa ka heleyno Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in Goordhow halkaasi Musharixiin dhowr oo u tartamayay Doorashada Madaxweynaha Puntland ay uga dhawaaqeen inay ka tanaasuleen Doorashada maalmaha soo socda ka dhaceysa Magaalada Garoowe.

Musharixiinta ka tanaasulay doorasahada Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa kamid ah Cabdirisaaq Cabdullaahi Jaamac (Janagale),Cali Axmed Gamuuti, Cabdixakiim Cabdi Xaashi, Maxamed Salaad Qoryoolay,Cabdullaahi Jaamac Saalax iyo Cabdiweli Cabdiraxmaan Gayre,kuwaasi oo sheegay in ay u tanaasuleen Saddex Musharax oo kala ah:

Siciid Cabdullaahi Deni
Cabdisamad Maxamed Galan

Dr Daahir Mire Jibriil

Dhammaantood waxay sheegeen in ay garab siin doonaan Musharaxiintii ay u tanaasuleen,isla markaana sheegay in ay ka hortigi doonaan faragelin ay dowlada ku sameeyso Doorashada Madaxweynaha cusub ee Puntland oo 8-da Bishaan ka dhaceysa Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland.