
Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa gaaray dalka Kuwait halkaasoo loogu sameeyay xaflad soo dhaweyn ah oo ay ku maamuuseen Masuuliyiin ka tirsan Dowlada iyo xiriirka ciyaaraha kubada cagta.
Garsoore Cumar C. Cartan wuxuu dhex dhexaadin doonaa ciyaarta fiinaalka ee dhex mari doonta kooxaha Kuwait SC iyo Al-Qadsia 29-ka Juun sanadka 2026.
Garsoore Cartan ayaa tan iyo markii laga soo celiyay Dalka Mareykanka oo uu Koobika Adduunka dhexdhexaadin rabay ayaa waxaa soo kordhaya dalal daneynaya Garsooraha islamarkaana doonaya inay ka dhaqaan qaladka Mareykanku kula kacay xili markiisii ugu horeysa taariikhda ay u noqon lahayd inuu Koobka Adduunka dhex dhexaadiyo.
Ciyarta uu kuweyd ku dhex dhexaadin doono 3 maalin kadib marka laga soo tago sidoo kale waxay dunidu isha ku heysaa kulanka Fiinaalka ee PSG iyo Aston Villa oo isaga loo dhiigay sida ay cadeeyeen Xiriirka Kubadda Cagta Yurub (UEFA).




















