Geedow Maxamed Fiidow oo Xukun Dil ah maanta lagu riday

1453

Maxkamada Darajada koowad ee Ciidamada Qalabka sida Qeybta 60-aad ayaa maanta xukun dil ah ku riday askari katirsanaa ciidanka Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed oo qof shacab ah ku dilay magaalada Buurhakaba.

Dable Geedow Maxamed Fiidow oo 23 sano jir ah ayaa Maxkamada ciidamada ku heshay in si bareer ah degmada Buurhakaba ugu dilay Mursal Cali Cabdi oo ahaa darawal gaari u kala goosha magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Guddoomiyaha Maxkamada Darajada Koowad ee Ciidamada Qalabka sida Qeybta 60aad Gaashaanle Sare Aadan Abuukar Maxamed ayaa sheegay in Dable Geedow Maxamed Fiidow lagu riday Xukun dil toogasho ah oo ah qisaasta Marxuum Mursal Cali Cadi.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya qeybaheeda kala duwan ayaa xukuno dil ah marar badan ku riday askar katirsan ciidanka dowlada oo dilal u geestay dad shacab ah iyo ciidamo kale .