Geel oo guddoonsiiyey billada ugu sareysa dalka +SAWIRRO

357

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay munaasabad casho sharaf ah oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka ku maamuusay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wafdigiisa, ayaa waxa uu ku guddoonsiiyay billad-sharafta ugu sarreysa dalka.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Billad Qaran ku mutay kaalintiisa dowlad-dhiska iyo garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.

Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay in xiriirka faca-weyn iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti uu yahay mid ku dhisan wada dhalasho, wax wada-lahaansho iyo derisnimo.

“Caawa, waa habeen taariikhi ah iyo fursad aan kor ugu qaadeyno walaalnimadeenna. Wiilku si kasta oo uu u dadaalo Aabihiis uma abaal gudikaro, inaguna sidaas oo kale ma gudikarno abaalka iyo kaalinta lama ilaawaan ee ay noo galeen walaalaheenna Jabuuti”.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo dhankiisa ka mahad-celiyay soo dhaweynta diiran iyo martisoorka heerka sare ah ee loo sameeyay ayaa adkeeyay in la xoojiyo isku-duubnimada shacabka Soomaaliyeed si looga gudbo caqabada ku xeeran hirgalinta himmilooyinka labada dal iyo shacab ee walaalaha ah.