Geele, Abiy iyo Uhuro oo Muqdisho soo gaaray+SAWIRRO

603

Waxaa Magaalada Muqdisho maanta kusoo qul qulaya wufuud kala duwan,kuwaas oo doonaya inay ka qeyb galaan Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa Magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Kenya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, waxaana Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa Maanta aad loo adkeeyay, waxaana munaasabadda Caleema saarka ku suga madax badan oo Afrikan ah iyo mas’uuliyiin kale.