Geelle“Annaga wey naga go’an tahay in ciidamadeena kala baxno Soomaaliya ”+COD

1629

Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay howlgalka ciidamada AMISOM ay ka wadaan Soomaaliya, dagaalka ka dhanka ah Al shabaab iyo taageerada dalalka caalamka ay siiyaan Soomaaliya.

Madaxweyne Geelle, ayaa ugu horeyn sheegay in Dowladaha caalamka ay hadda usoo jeesteen inay taageeraan dowladda islamarkaana ay qeyb ka yihiin dowladaha daneynaya in dib loosoo dhiso ciidamada dowladda.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sidoo kale sheegay in dowladiisa ay ka saari doonto ciidamada ka jooga dalka ee qeybta ka ah AMISOM, waxaase uu xusay inay jiraan caqabado diidaya inay ciidamadooda ka saaran dalka.

Waxaa uu xusay Madaxweynaha dowladda Jabuuti in dowladiisa ay tahay dowladda Ciidamada ugu yar ay ka jooggaan Soomaaliya sababtuna ay tahay in ay taageero iyo tababar joogto ah ay siiyaan Ciidanka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya iyo shacabka ayuu sheegay in looga baahan yahay iskutashi ballaaran oo ku aadan Ciidanka Soomalida ay hantaan Ammaanka dalkooda.