Gen Adem Mohammed oo loomagacaabay Taliyaha ciidamada Itobiya

1701

Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed ayaa u magacaabay General Adem Mohammed taliyaha ciidamada isagoo bedelaya taliyihii hore ee la diley General Seare Mekonnen.

Sidoo kale Abiy Ahmed ayaa u magacaabay Demelash Gebremichael taliyaha ciidamada Nabadsugida isagoo bedelaya General Adem oo xilkaas hore u hayay.

General Adem Mohammed ayaa ka soo jeeda Qowmiyada Amxaarada halka Demelash Gebremikael uu yahay Oromo.

Afgambi la isku dayay in lagula wareego Maamulka Amxaradda oo toddobaadkii hore ka dhacay dalka Ethiopia ayaa sababay in sare loo qaado amniga dalka Ethiopia waxaana illaa iyo hadda loo xirey sababo la xiriira afgembigaas inkabadan labo boqol oo ruux.