Taliyihii Guutada 2aad ee ciidanka difaaca Puntland ee Daacish kula dagaalamaya Buuraleyda Calmiskaat, Gen. Axmed Cabdi Cali-Qarjab ( Gen. Qalyare), ayaa ku geeriyooday qarax miino.
Gen. Qalyare ayaa ka mid ahaa saraakiisha hoggaaminaysay dagaalka lagula jiro kooxda Daacish ee ka dagaalanta buuraleyda Calmiskaad.
Qaraxa lagu dilay taliyaha ayaa ka dhacay deegaanka Dhasaan, oo ka tirsan meelihii horey looga xoreeyay kooxda Daacish. Sidoo kale, waxaa qaraxaasi sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray qaar ka mid ah ciidamada la socday Gen. Qalyare.
Gen. Qalyare ayaa horey dhaawac fudud uga soo gaaray dagaalladii ka dhacay deegaanka Calmiskaad. Dhawaan ayuu dalka dibaddiisa uga soo laabtay arrimo la xiriira xaaladdiisa caafimaad, isagoo markaa kadib dib ugu laabtay furimaha dagaalka.
Ilaa hadda, Puntland kama aysan hadlin geerida taliyaha, iyadoo dilkiisa uu ku soo beegmay xilli ay Puntland lumiyeen saraakiil badan dagaalka ka dhanka ah Daacish, dagaal muddo ku dhow sanad ka socday buuraleyda Calmiskaad.
Kooxda Daacish ayaa haatan si weyn u adeegsanaysa qaraxyada lagu aaso wadooyinka, kaddib markii looga adkaaday dagaalka tooska ah ee fool-ka-foolka ah. kooxda ayaa sku uruursaday togga Baallade, halkaas oo ay kaga dhuumanayaan ciidamada Puntland.
Inkasta oo ay go’doon yihiin, haddana waxay helaan fursado ay ku dhigaan miinooyin iyo qaraxyo jidka lagu aaso, si ay u beegsadaan ciidamada iyo saraakiisha hoggaanka u ah hawlgalada ka dhanka ah kooxdan.