Generaal Maxamed Daahir oo xil culus loo magacaabay

2131

Generaal Maxamed Daahir ayaa loo magacaabay taliyaha guutada ilaalada Hay’adaha Dowladda ee Muhiimka ah ( V I P Protection Brigade).

Maxamed Daahir ayaa bishii March dhexdeeda laga dhigey xabsi guri kadib markii ilaaladiisa ay is hortaag ku sameeyeen gaadiid uu la socday Raysulwasaare Khayre.

Waxa uu soo noqday Taliyaha Saldhiga Degmada Hodan iyo Taliyaha Waliyoow Cade,waxaana uu muddo kusoo dhex jiray Booliska Soomaaliyeed.

Warar la isla dhexmarayey ayaa xitaa sheegay in dhawaan la isku dayey in Darajada Ciidanka laga xayuubiyo la rabay balse xaaladu ay caadi kusoo laabatay.