Girona Oo garaacday Real Madrid +SAWIRRO

1869

Kooxda Real Madrid ayaa guuldarro lama filaan ah oo waji gabax ah kala kulantay kooxda yar ee Girona oo marti ugu ahayd gegida Santiago Bernabeu waana guuldarro ku celinaysa booska saddexaad ee kala sarreynta La Liga.

Kulankan oo ahaa mid ay Madrid goolka ku horreysay ayuu u dhaliyay Casemiro halka goolasha soo laabashada ah ee Girona ay dhaliyeen Stuani iyo Portu.

Shaxihii Kulankan Ee Labada Kooxood:

Real Madrid: Courtois, Ramos, Varane, Odriozola, Marcelo, Casemiro, Kroos, Ceballos, Asensio, Vazquez, Benzema

Keydka: Navas, Carvajal, Nacho, Mariano, Bale, Vinicius, Valverde
Falanqaynta Guud Ee Kulanka:

Real Madrid ayaa ku bilaabatay iyadoo ah kooxda halista iyo dar-darta badan abuuraysa waxaana ay daqiiqadihii ugu horreeyayba ahaayeen kooxda kubadda inta ugu badan haysata.

Lucas Vazquez ayaa daqiiqadii 18-aad ee ciyaarta ku dhawaaday inuu hoggaanka u dhiibo kooxdiisa kaddib markii uu kubadda si toos ah ula hor tagay goolhayaha Girona balse darbadiisa ayaa dhaafi weyday goolhayha kooxda martida ahayd.

GOOAL: Kaddib dedaal badan oo ay soo samaysay, Real ayaa hoggaanka u qabatay kulanka waxaana gool madax ah dhaliyay Casemiro oo ka faa’idaystay kubad uu Toni Kroos kasoo tuuray geeska.

Intaa kaddib kulanka ayaa noqday mid kulul, Labada dhinac ayaana samaynayay halis badan iyadoo kooxda Girona ay u muuqatay mid si weyn u doonaysa goolka bar-bardhaca.

Qaybta hore ee kulanka ayaa kusoo dhammaatay hoggaan 1-0 ah oo ay haysatay kooxda martida loo ahaa ee Real Madrid.

HALIS: Girona ayaa u muuqatay mid xilli horeba heshay goolka bar-bardhaca, Mid kamid ah xiddigaha Girona ayaa kubadda kasoo tuuray geeska waxaana darbad madax ah goolka Madrid ku beegay Anthony Lozano, Isku daygaas ayuu badbaadiyay Courtois waxaana ay kubadda helay Stuani oo si fudud goolka oo furan ku dhalin karayay balse halka sarre mariyay.

Rigoore: Xiddigaha Girona ayaa halis weyn ku abuuray goolka Real waxaana goolka kubad ku laagay Portu balse Sergio Ramos ayaa gacan ku qabsaday waxaana sidaas ay Girona ku heleen gool kulaad.

GOOAL: Christian Stuani ayaa goolka kooxdiisa looga horreeyay kasoo guday waxaana uu geeska qaldan u diray goolhaye Courtois oo uu kaga adkaaday gool kulaadkii.

ALA MAXAY HOGGAANKA KU DHAWAADEEN: Kooxda Girona ayaa halkeeda kasii waday dardarta ay qaybta dambe kusoo gashay, Portu oo halis joogto ah abuurayay ayaa markan kubadda si furan ugu helay goolka Los Blancos balse dedaalkiisa iyo darbadiisa xoogan ayaa cidhifka sarre ee birta goolka ruxay.

GOOAL: Dadaal Midho Dhalay!!, Kooxda Girona ayaa hoggaan ay u qalantay heshay waxaana markan shabaqa gaadhay Portu oo goorahaaba la cel-celinayay, Portu ayaa ku celiyay goolka kubad madax ah kaddib markii goolhaye Courtois uu soo celiyay darbadii uu soo laagay Anthony Lozano.

Ugu dambayn, Kulanka ayaa kusoo dhammaaday guul dahabi ah oo ay gaadhay kooxda Girona waxaana ay guushan ku heleen wacdarahii ay muujiyeen qaybtii dambe ee kulanka.