Go’aan culus oo laga gaaray ka qeyb-galka saxaafadda ee kulmada BF Soomaaliya

1818

Waxaa Maanta kulan gaar ah Magaalada Muqdisho ku yeeshay Guddii uu guddoomiyaha Golaha Shacbaka u saaray Arrimaha Saxaafada ee Baarlamaanka iyo Madaxda Ururada Saxaafada,kaas oo looga hadlay arrimo la xiriira Saxaafada iyo sida ay uga qyeb galayaan kulamada Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyey gudoomiyaha guddiga saxaafadda Barlamaanka Khaalid Mocow,waxaana laga soo saaray dhowr qodob ay ku heshiiyeen Madaxda Warbaahinta iyo Guddiga ka socday Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddiga ka socday Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa ay Madaxda Warbaahinta usoo gudbiyeen dhowr waxyaabood ay ka qabaan Wariyeyaasha kuwaas oo kala ah.

Inay yartahay wadashaqeynta Baarlamaanka iyo Saxaafadda.

Caqabada dhowr ah oo laga tabtay Bahda Saxaafadda.

In goobta Warbaahinta loo asteeyey oo aysan ku ekaanin xilliga ay Shaqada ku jiraan.

-In Wariyaasha iyo dadka kale (astaan la’aan) oo aan la kala aqoonin

– Tirada Wariyaasha soo gala Xarunta Baarlamaanka oo aad u badan.

Wadahadal iyo dood dheer kadib ayaa Madaxda Warbaahinta iyo Guddiga ka socday Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa ay talo ahaan u soo jeediyeen.

In Wariyeyasha ay ku soo hor maraan goobta loo asteeyey qalabkoodana ku diyaarsadaan

– In Wariyeyaasha soo xirtaan cCalaamad muujinaysa xarunta uu ka socdo inuu wato sida jaakad ama fanaanad lagu buufiyey magaca Xarunta uu u Shaqeeyo.

Iyo in Wariyeyaasha la siiyo Aqoonsi laga leeyahay xarunta Baarlamaanka marka ay gelayaan Xarunta Golaha Shacabka.

Go’aanadaas kasoo baxay Guddiga ka socda Guddoonka Golaha Shacabka iyo Madaxda Warbaahinta shirka ku yeeshay Magalada muqdisho ayaa meesha ka saaraya murankii ka dhashay dhawaan kulankii looga hadli lahaa amniga ee Su’aalaha lagu weeydiin lahaa laamaha Amniga Soomaaliya.