Gobolka Banaadir Eng. Yariisow oo qarax lagu dhaacay

1688

Qarax xooggan ayaa ka dhacay gudaha Xarunta Gobolka Banaadir, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo.

Qaraxa oo aan weli si rasmi loo ogeyn nuuciisa ayaa la sheegayaa inuu sababay khasaare kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu dhacay xilli uu shir u socday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid Guddoomiyeyaasha degmooyinka.

Wararka qaar ayaa sheegaya inuu dhaawac fudud soo gaaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya inay arkayeen Guddoomiye Yariisow oo dhaawac ah oo garbaha laga sii waday, oo dhaawiciisa loo qaaday Isbitaalka Digfeer.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa inuu jiro dhaawacyo kale oo soo gaaray qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka.