Golaha Ammaanka oo kulan Muhiim ah ka yeeshay xaaladda Somalia

1690

Kulan ay yeesheen Golaha Amaanka ee QM ayaa looga hadlay arrimaha Soomaaliya ee xiligan taagan.
Golaha ayaa waxa uu ugu horeyn dhageystey warbixin ku saabsaneyd Soomaaliya oo uu soo gudbiyey safiirka Belgium u fadhiya QM Marc Pecsteen, oo warbixintiisa ay taabatey dhinacyo badan.

Qodobada uu ka hadley waxaa ka mid ahaa waxqabadka muhiimka ah ee gudiga xeel-dheerayaasha la socda cunaqabateynta Soomaaliya oo uu goluhu sameeyey.
Pecsteen ayaa xusey in waxyaabaha ay guddigu la socodkooda ay guulahana ka gaareen ay ka mid tahay hoos u dhisgista dhoofinta dhuxusha iyo la socodka hubka si uusan u gelin gacanta kooxda Al-Shabaab.