Golaha ammaanka oo kulan xasaasi ah ka yeelanaya khilaafka madaxda DFS

922

Xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ka shiraya khilaafka awoodeed ee u dhexeeya madaxweynaha mudo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsuggida Soomaaliya ee NISA.

Golaha ammaanka aya ashirkaan oo albaabadu u xiran yihiin waxa ay warbixin la xiriirta khilaafka madaxda Soomaalida kaga dhegaysan doonaan wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan sida uu xaqiijiyay afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric.

 

Afhayeenka ayaa sheegay in James Swan uu ku boogaadiyay madaxweynaha Koofur-Galbeed Cabdicaziiz Laftagaren dadaalka isaga iyo madaxda kale ee mamul goboleedyadu ay ugu jiraan xallinta khilaafka u dhexeeya madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Wadahadal niyadsami ah wuxuu ahmiyadda ugu horreysay siinayaa baahida dhammaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan in Soomaaliya loo oggolaado inay ku sii socoto wadada xassilloonida iyo dib-u habeynta” ayuu yiri afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric.

Kulanka kadib ayaa lafilayaa in xubnuhu ay warbixin ka soo saaraan xaaladda Soomaaliya iyagoona ku lifaaqi doona hanjabaado iyo farriimo ku socda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.