Golaha wakiilada Somaliland oo gudbiyay Mooshin

512

26 xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiilada somaliland ayaa shirgudoonka golaha wakiilada u gudbiyey mooshin.

Mooshinkaan ayaa ku saabsan in aanu madaxwaynuhu golaha wakiilada ku soo celin karin masuul uu soo magacaabay oo aanu goluhu codka kalsoonida siin.

Sida ku xusan mooshinka hadii masuul uu madaxwaynuhu magacaabay uu golaha wakiilada ka waayo codka kalsoonida, waa in aanu madaxwaynuhu isla xubintaa golaha ku soo celin, oo uu ku badalo masuul kale.

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa dhawaan diiday xubno ka mid ah golaha Wakiilada oo uu soo magacaabay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,waxaana la sheegay in uu qorsheeyay in uu Mar kale xubnahaasi dib ugu soo celiyo golaha.