Golaha Wasiirada Cusub oo la ansixiyay

601

Xildhibaanada  Golaha Shacabka  Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Maanta kulan ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ayaa ansixiyey Golaha Wasiirada cusub ee uu maalmo kahor soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Xamse Barre.

Inta aan la ansixin Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ayaa waxaa kulanka Golaha harreeyay buuq iyo fowdo ay sameeyeen qaar kamid ah Golaha Shacabka, kuwaasi oo diidanaa in la ansixiyo Xukuumadda uu soo dhisay Xamse Cabdi Barre.

Intaas kadib Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa qaab gacan taag ah ku ansixiyey Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumadda Soomaaliya, waxaana ogaaday in la meel-mariyo Xukuumadda 229 Xildhibaan, 7 Xildhibaan ayaa diiday, 2 waa ay ka aamuseen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ku dhawaaqay natiijada Codeynta ayaa shaaciyey in Golaha Wasiirada Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre la ansixiyey, iyadoona Golaha durbadii la dhaariyey.

Kulanka Xildhibaanada ayaa weli socda, waxaana haatan khudbad jeedinaya Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi, isagoona u mahadcelinaya Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.