Golaha wasiirada oo soo saaray qaraar xasaasi ah

119

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo xalay yeeshay kulan caadi aheyn oo uu guddoominayey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa soo saaray qaraar muhiim ah.

Qaraarkan oo ku saabsan canshuuraha, gaar ahaan mamnuucidda in dakhli dawladeed lagu shubo ama Lagu hayo koonto nangi ee aan ahayn khasnadda mideysan (TSA)

Golaha wasiirrada ayaa meel-mariyay qaraarka qodobadiisu hoos ku qoran:

Qodobka 1: Joojinta in dakhli dawladeed lagu shubo ama lagu maareeyo koonto bangi oo aan ahayn khasnada mideysan (TSA).

1. Sida ku cad Qodobka 2(1)(r) iyo Qodobka 4-aad ee Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019, dhammaan dakhliga Dawladda Federaalka Soomaaliya waa in lagu shubaa, laguna maamulaa Khasnadda Mideysan oo keliya (TSA).

2. Si waafaqsan Qodobka 4(2) iyo Qodobka 42(4), waxaa mamnuuc ah in dakhliga Dawladda lagu qabto ama lagu hayo koonto bangi oo aan ahayn Khasnada Mideysan (TSA).

3. Si waafaqsan Qodobka 4(3) ee Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019, dakhliga Dawladda Federaalka waxa ku jira dhammaan lacagaha ay qabtaan hay’adaha Dawladda, iyo sidoo kale dhammaan lacagaha lagu soo ururiyo magaca hay’ad Dawladeed, ama midka Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin balse aan ku xaddidnayn dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan ee loo ururiyo si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka kala duwan ee dhaqan-galka ah.

Qodobka 2-aad: Hay’adda dowladda mas’uulka uga ah dakhli ururinta

1. Sida ku cad Qodobka 8(2) ee Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019, Wasaaradda Maaliyadda ayaa ah hay’adda kaliya ee u xilsaaran ururinta, maareynta iyo la socodka dhammaan noocyada kala duwan ee dakhliga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

2. Iyada oo aan waxba loo dhimayn doorkooda bixinta adeegyada Dawliga ah, dhammaan hay’adaha kale ee Dawladda, ha ahaadan rayid ama ciidan, waxaa ka mamnuuc ah, inay si iskood ah u ururiyan ama u maareeyaan dakhliga Dawladda, oo ay ka mid yihiin balse aan ku ekayn dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan.

Qodobka 3-aad: Dejinta Tacriifadaha

1. Si waafaqsan Qodobka 6(b) iyo Qodobka 108 ee Sharciga Maamulka Dakhliga, 2019, Wasiirka Maaliyadda oo kaliya ayaa awood loo siiyay dejinta iyo wax-ka-bedelka dhammaan tacriifadaha saldhiga u ah noocyada kala duwan ee dakhliga Dawladda oo ay ka mid yihiin balse aan ku ekayn tacriifadaha dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan.

2. Iyada oo aan waxba loo dhimayn doorkooda dhaqan-gelinta iyo fududaynta bixinta noocyada kala duwan ee dakhliga Dowladda, dhammaan hay’adaha kale ee Dawladda, ha ahaadan rayid ama ciidan, waxaa ka mamnuuc ah dejinta iyo wax-ka-bedelka dhammaan tacriifadaha saldhiga u ah noocyada kala duwan ee dakhliga Dawladda oo ay ka mid yihiin balse aan ku ekayn tacriifadaha dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan.

3. Iyadoo u-hoggaansamaysa Qodobka 6(b) iyo Qodobka 108 ee Sharciga Maamulka Dakhliga, 2019, Wasaaradda Maaliyaddu waa in ay sahan dhamaystiran ku samayso dhammaan tacriifadaha hadda jira ee la xiriira ilaha kala duwan ee dakhliga Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo hubiyo in dhammaan tacriifadahaas, oo ay ku jiraan kuwa canshuuraha, khidmadaha, iyo ganaaxyada, ay la socon kara xaaladaha dhaqaale ee Dalka.

Qodobka 4: Dib-u-eegista Heshiisyada iyo Qandaraayadda aan waafaqsanyn Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019 iyo Sharciga Iibka ee Qaranka 2016.

1. Si loo hubiyo u hogaansanaanta qodobbada sharciga islamarkasna looga hortago khataraha maaliyadeed ee ka dhalan kara, waa in dhammaan heshiisyada saamaynta maaliyadeed leh ee dhaqan-galka ah ee sharciga baalmarsan la waafajiyaa Sharciga Iibka ee Qaranka, 2016, iyo Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019.

2. Dhammaan heshiisyada caalamiga ah ee saamaynta maaliyadeed leh ee Dawladda Federaalka Soomaaliya kula jirto shirkadaha shisheeye waa in dib u eegis lagu sameeyo lana waafajiyo sharicga marka wakhtigoodu dhammaado kahor inta aan la cusboonaysiin.

3. Wasaaradda Maaliyadda waxaa la farayaa in ay hortabin siiso si joogta ahna u bixiso kharashaadka ka dhasha heshiisyada Dawladdu kula jirto shirkadaha gaarka loo leeyahay si looga fogaado ganaaxyada sharci ee ka imaan kara.

4. Qararkan waxaa lagu baabi’iyay dhammaan heshiisyada hoos ku xusan:

(b) Heshiiska lagu fuliyo adeegyada la socodka koonteenarada ee electrooniga ah (electronic container tracking) oo ay horay loo galay.

(t) Heshiiska lagu fuliyo adeega dhaqista koonteenarada (container cleaning services) oo horay loo galay.

(j) Heshiiska fayadhawrka ee Dowladda Hoose.