Golaha wasiirada ooisku shaandhayn lagu sameeyay

11

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa goordhoweyd magacaabis iyo isku-shaandhayn ku sameeyay qaar kamid ah golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu Daahir Shire Maxamed loogu magacaabay wasiirka batroolka iyo macdanta xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Daahir Shire ayaa waxaa lagu beddelay Cabdirisaaq Cumar oo kamid ahaa xubnaha gacanta midig ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ahna ninkii haayay galka shidaal baarista.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa isku beddalay wasiirradii wasaaradaha, qoyska iyo xuquuqul insaanka iyo deegaanka iyo isbeddelka cimilada.

Marwo Khadiijo Al-maqsuumi, ayaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda qoyska iyo xaquuqul insaanka, halka Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) loo magacaabay wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale wuxuu wareegtadiisa ku magacaabay wasiir ku-xigeenka wasaaradda tamarta iyo biyaha Cismaan Axmed Macoow.

Wareegtooyinkan ayaa waxaa si gaar ah hadal-heyn badan dhalisay xil ka qaadista wasiirka batroolka Cabdirisaaq Cumar oo kamid ahaa kaadiriinta xisbiga UPD, sidoo kalena ah madaxweynaha abtigiisa, waxaana durba arrintan loo qaatay in madaxweynuhu uu tartiib tartiib u bixinayo saaxibadiisii dhiigga u shubay.