Golihiisa wasiiradda Soomaaliya oo lamagacaabay

604

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa goordhaw ku dhawaaqay liiska golaha wasiirada oo ka kooban 26-wasiir, 26-wasiir kuxigeen iyo dhoor wasiiru dowle.

Wasiirada cusub uu goordhaw ku dhawaaqay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya waxaa kamid ah Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo loo magacaabay wasiirka wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha Diinta.

Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka ayaa loo magacaabay wasiirkii hore ee wasaaradda Dastuurka xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo haddana ah senator katirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xukuumadda cusub uu soo magacaabay Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa waxaa ku jira qaar kamid ah wasiiraddii hore ee Soomaaliya ay kamid yihiin Khadiijo Maxamed Diiriye, iyo  Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga C/Qaadir Maxamed Nuur.

Halkaan hoose ka akhriso Liiska Golaha wasiiradda.

1- Saalax Axmed Jaamac, Ra’iisul Wasaare ku-xigeen
2- Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, Wasiirka Awqaafta iyo Diinta
3- Xasan Macallin, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka
4- Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha
5- Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiirka Maaliyadda
6- Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Wasiirka Gaashaandhigga
7- Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga
8- Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
9- Maxamuud Cabdiraxmaan Beena Beene, Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga
10 -Jaamac ilka Jiir, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka
11 -Fardowsa Cismaan Dhoore, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka
12- Jaamac Xasan Khaliif, Wasiirka Boosatada iyo Isgaarsiinta
13- Xasan Xuseen Eelaay, Wasiirka Xananaada Xoolaha
14- Jibriil Cabdirashiid, Wasiirka Ganacsiga Warshadaha
15- Ismaaciil Sheekh Bashiir, Wasiirka Howlaha Guud iyo Gureyenta
16 -Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Haweenka
17- Dr. Crisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta
18- Maxamuud Doodishe, Wasiirka Amniga Gudaha
19- Axmed Madoobe Nuunoow, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka
20 – Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Caafimaadka
21- Axmed Xasan Aadan, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyeaadka Badda
22- Daa’uud Aweys Wasiirka Warfaafinta
23 – Biixi Iimaan Cige. Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha
24 – Jaamac Taqal, Wasiirka Korontada iyo Biyaha
25- Maxamed Barre Maxamuud, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaraaha
26- Khadiija Al-Makhzuumi, Wasiirka Bay’adda iyo isbddelka Cimiladda