Goobaha ay ka dhacayso doorashada oo la shaaciyay

866

Guddiga Amniga Doorashooyinka Qaranka ayaa war ay soo saareen kaga hadlayaan goobaha lagu qabanayo Doorashooyinka Golaha Shacabka BJFS, kuwaas oo ku kala yaala Dowlad-goboleedyada dalka, iyagoo sheegay inaan waxba laga bedeli karin goobahaas.

Waraaq kasoo baxday Guddoomiyaha Guddiga Amniga Doorashooyinka ahna Taliyaha Ciidanka Booliska DFS Gen. Cabdi Xasan Xijaar, ayaa si gaar ah u tilmaamay goob 12 goobood ee loo asteeyay doorashada Golaha Shacabka, kuna yaala min labada magaalo ee Dowlad-gobaleedyada uu ku tagay kormeer.