Goobjoog, GoolFm iyo Goobjoog TV oo laga mamnuucay garomada ciyaaraha

1821

Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha soomaaliya xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye, ayaa soo saartay amar guud ahaan garoomada kubadda cagta iyo xarumaha wasaaradda ka mamnuucday idaacado ku yaalo magaalada Muqdisho iyo TV ka tirsan warbaahinta dalka.

Wasiir Khadiija, ayaa amarkaan xalay soo saartay waxayna waxaana lala wadaagay waaxda warbaahinta wasaaradda iyo madaxda garoomada kubadda cagta iyo kuwa cayaaraha sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan wasaaradda.

Idaacadaha Goobjoog, GoolFm iyo Goobjoog TV oo dhamaantood la isku dhaho, Goobjoog Group Media ayaa laga joojiyay dhamaan in ay tagaan garoomada kubadda cagta soomaaliya, gaar ahaan magaalada muqdisho.

Sidoo kale, waxaa laga mamnuucay xarumaha wasaaradda iyo shirarka ay soo abaabusho wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha sida ay noo xaqiijiyeen dadkii aan la hadalnay.

Amarkaan ayaa sidoo kale waxa uu qabanayaa wariyihii ka tirsan xarumahaas oo si iskiis ah damca inuu soo daawado cayaaraha dalka ama uu ka qaybgalo shirarka wasaaradda sida lagu sheegay amarka wasiir Khadiija.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga sababta arintaan ka dambeysa, balse waxaa la aaminsan yahay in wasiir Khadiija Maxamed Diiriye ay dhibsatay warbixino ay Radio Goobjoog ka diyaarisay arrimaha cayaaraha Soomaaliya iyo meelo gaabis ka jira.

Arintaan ayaa waxay qayb ka tahay cadaadiska warbaahinta magaalada Muqdisho ay wajahayaan islamarkaana ay kala kulmayaan masuuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya.

Xukuumadda ra’iisul wasaare Kheyrre ayaa lagu eedeeyaa caburin iyo hanjabaad joogto ah oo ka dhan wariyaasha iyo warbaahinta dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.