Goorma Ayuu Pogba Ku Soo Laabanayaa Garoomada , Tababare Ole Gunner Ayaa Ka Warbixyay Xaaladda Dhaawac Ee Kooxdiisa

1866

Tababaraha Man United ee Ole Gunner ayaa ka hadlay xaaladda Pogba kaasi oo dhaawac in muddo ah kaga maqan shaxda kooxda .

United ayaa axadda marti u ah kooxda Sheffield United oo ay wada ciyaarayaan kullan ka tirsan wareegga 13-aad ee horyaalka Ingiriiska .

Kulan wareed ayuu Ole Gunner ku yiri ” Pogba waa uu soo wacnaanayaa , muddo ayuu dhaawacan yahay , sidaa darteed waa in si tartiib ah tababarka ugu soo laabto , waxaana rajeynayaa in aan dib u helno ka hor dhmaadka 2019-ka.

” Ka dib baaritaano lagu sameeay waxaa muuqaneysa in weli laacibka uusan si buuxda u soo kabsan, sidaa darteed diyaar buuxa uma aha in uu ku soo laabto tababarka guud” ayuu sii raaciyay tababare Ole Gunner .

Dhanka kale waxa uu ka hadlay xaaladda Bailly iyo Fosu-Mensah kuwaas oo dhaawcan , waxa uuna tilmaamay in aysan fogeyn in mar kale ku soo laabtaan tababarka guud ee kooxda .

United waxa ay kulankaas galayaan iyadoo sidoo kale Rojo isna dhaawacan yahay kaasi oo dhowr todobaad ka sii maqnaanaya garoomada .

Macalin Gunner waxaa kale uu xusay in Scott McTominay isna diyaar aheyn balse uu filayo in uu soo laaban doono midkood kulamada Tottenham ama kan Man City