Guddi baaris ah oo loo saaray Dowladdii Farmaajo

565

Guddoonka labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay Guddiga dabagalka iyo Xaqiiqa raadinta xisaab xirkii 4-tii sano ee u dambeysay ee Miisaaniyadda sannadihii 2018, 2019, 2020, 2021.

Guddigan oo ka kooban 7 xubnood oo shan ka mid yihiin Xildhibaano iyo Labo Senatar, kuwaas lala ah:

1. Xildhibaan Saciid Maxamed Cali
2. Xildhiban Maxamuud C/raxmaan Beenebeene
3. Xildhiban C/raxmaan Cadde Cabdow
4. Xildhibaan Enjineer Saadaq
5. Xildhibaan C/qafaar Xaange
6. Sen Saciid Cawke
7. Sen C/xakiin Maalin

Guddigan ayaa loo xil-saaray inay warbixin kasoo gudbiyaan Xisaab-xirka miisaaniyadihii 4 sano. Waxaana magacaabistoodu imaanaysaa xilli 3 maalmood dood ka lahaayeen Xildhibaanada labada Gole, taas oo su’aalo lagu weydiiyay Wasiirka Maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Wasiir Bayle ayaa wajahay su’aalo adag oo ku saabsan hanaanka maaliyadeed ee dalka, kuwaas oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay uga imaanayey xubnaha labada Aqal ee baarlamaanka.

Arrinta ugu weyn ee lagu heysto wasiirka maaliyadda waa xisaab xir la’aan jirtay tan iyo sanadkii 2018-kii iyo in wasiirku uu kala cadey la’yahay in deeqaha uu caalamku siiyo Soomaaliya ay deyn yihiin iyo in kale.