Guddi loo saaray xalinta khilaafka Madaxweyne Qoor-qoor iyo Jen. Mascuud

1362

Kulan xal loogu raadinayey khilaaf culus oo soo kala dhex galay Saraakiil ka soo jeeda beesha Ceyr iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor ayaa caawa ka dhacay magaalada Dhuusamareeb.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay odayaasha dhaqanka beesha Ceyr iyo Taliyaha guutada 15-aad qeybta 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka Jen. Mascuud Maxamed Warsame oo hogaaminaya saraakiisha ay iskhilaafeen Madaxweyne Qoor-qoor.

Khilaafkan ayaa salka ku haya gaadiidkii iyo hubkii lagala wareegay Ahlu-Sunna oo mar kale gacanta u galay Jeneraal Mascuud oo horay u ahaa taliyihii ciidamadii Ahlu-Sunna ka dib markii lagala baxay xarunta Madaxtooyada Galmudug xili Qoor-qoor uu dalka maqnaa.

Odayaasha dhaqanka beesha Ceyr ayaa Jen. Mascuud waxay wax ka weydiiyeen waxyaabaha ay isku hayaan Madaxweyne Qoor-qoor ee sababay khilaafka.

Taliyaha ayaa u sheegay odayaasha dhaqanka in khilaafkan uu yahay mid aan sidaa u weyneyn oo la xiriira gaadiidka iyo hubkii Ahlu-Sunna ee ay isaga ku wareejiyeen Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir, kuwaasoo uu sheegay in Madaxweyne Qoor Qoor-na uu doonayo in lagu wareejiyo Wasaaradda amniga Galmudug, isagoo intaas ku daray in gaadiidkaas uu yahay mid beeleed oo aan la wareejin karin.

Ugu dambeyn odayaasha ayaa iska dhex magacaabay guddi 15 xubnood ka kooban oo loo xilsaaray iney xaliyaan khilaafka soo shaac baxay, waxayna la kulmi doonaan Madaxweyne Qoor-qoor ka hor inta aysan soo saarin go’aano lagu xalinayo khilaafkaas.