Guddiga Doorashada Galmudug oo ku dhowaaqay Liiska Xildhibaanadii Ahlusuna Xushay

2098

Gudiga Doorashooyinka ee Galmudug ayaa goor dhowayd si rasmi ah ugu dhowaaqay Liiska Xildhibaanada Galmudug ee Ahlu Sunna ay soo Xushay iyo Beelaha ay kasoo jeedaan.

Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa amar ku siiyey guddiga doorashooyinka Galmudug inay aqbalaan Xildhibaanada 20-ka ah ee Ahlu Sunna soo gudbisay isla markaasna ay si rasmi ah ugu soo bandhigaan Saxaafadda.

Inkastoo Guddiga ku dhawaaqay liiska Xildhibaanada Ahlu Sunna, haddana waxaa weli jira Beelaha qaar ee dega deegaannada Galmudug oo diidan Xubnaha Baarlamaanka Galmudug laga siiyey Ahlu sunna, iyaga oo sheegaya in Xubnihii ay lahaayeen la siiyey Urur gaar ah.