Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa Hirshabeelle oo lagu dhawaaqay

1206

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa magaalada Jowhar uga dhawaaqay Guddiga Doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee Dowlad gobolleedka Hirshabeelle.

Guddigan ayaa markii ugu horreysay waxaa guddoomiye ka noqoneysa qof dumar ah iyadoo guud ahaan uu ka kooban yahay.9 xubnood.

Guddiga ayaa looga fadhiyaa in ay soo bandhigaan hab raaca doorasho ee madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

Ku dhawaaqista Guddiga ayaa imaneysa xili maalintii shalay lagu doortay magaalada Jowhar Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle.

Lama oga in laga heshiiyay khilaafkii ka taagnaa doorashada madaxweynaha Hirshabeelle, waxaana Jowhar wali ku sugan madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo kulamo la leh dhinacyada isku khilaafsan hanaanka loo marayo doorashada kursiga madaxweynaha.