DAAWO:- Guddiga Doorashada Xildhibaanada BFS Ee Somaliland oo lamagacaabay

1296

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddiga maamulaya doorashada xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda Somaliland.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu magacaabay guddiga Doorashada oo ka kooban 11-xubnood, waxaana magacaabitsa xubnahaas lagala tashaay siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolaha waqooyi ee Somaliland.

Guddigaan ayaa ka shaqeyn doona sidii ay u dhici laheyd Doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda Somaliland, waxaana Doorashada xubnahaas ay ka dhici doontaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Dhinaca kale magacaabista Guddigan ayaa waxaa horey uga soo horjeestay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, isagoo sheegay in isaga uu soo magacaabi doono Guddigaan, hayeeshee RW Rooble ayaa magacaabay xalay.

Hoos ka Akhriso Magacyada Guddiga uu magacaabay RW Rooble.