Guddiga Doorashooyinka oo sheegay in lajabsaday dhamaan baraha bulshada ay lahaayeen

782

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa shaaca ka qaaday in Guddigooda mar kale lagala wareegay oo gacantooda ka baxeen dhammaan barihii Bulshada oo Guddiga doorashooyinka ku shaqeynayey, kuna soo gudbinayey Warbixinada.

Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashada Federaalka, kuna saxiixan yahay Guddoomiyaha Guddigaas Muuse Geelle Yuusuf ayaa waxaa lagu sheegay in lagala wareegay barihii uu lahaa sida: Website-ka, Bogga Facebook iyo Twitter-ka.

Guddiga ayaa xusay in tallaabada lagula wareegay dhammaan barihii Bulshada Guddiga ay muujineyso mas’uuliyad darrada iyo carqaladeynta lagu haayo doorashada, iyagoona caddeeyay in haatan wixii ka dambeeya in waxa laga soo qoro Guddiga ay waxba kama jiraan yihiin.

Sidoo kale Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa tilmaamay in xogaha doorashada ay ku soo gudbin doonaan shirar Jaraa’id oo lagula hadlayo warbaahinta iyo wareysiyo, mana shaacin Guddiga cidda la wareegtay barihii Bulshada ee Guddiga.