Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Baydhabo tagay +SAWIRRO

23

Wafdigaan ka socda guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Sooddimaha ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

Xubnahaan ka tirsan guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa magaalada Baydhabo u tagay dardar galinta howlaha doorashooyinka qof iyo codka ah ee la filayo in dalka ka qabsoonto.

 

 

Yuusuf Cabdulqaadir Maxamed oo ka mid ah xubnaha guddiga doorashooyinka ee maanta Baydhabo gaaray ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ujeedka Baydhabo u tageen iney tahay dib u howlgalinta xafiiskii guddiga ee magaalada Baydhabo.

 

“Waxaan Baydhabo usoo gaarnay sidii aan dib boorka uga jafi laheyn xafiiskii Guddiga Doorashooyinka ee halkan oo muddo aan lagu shaqeyn iyo in aan guda galno hannaanka doorashada qof iyo codka ah” ayuu yiri Yuusuf Cabdulqaadir Maxamed oo ka mid ah xubnaha guddiga doorashooyinka Qaranka.

 

Guddigaan madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha waxaa horay uga horymid Madaxda maamulada Puntland, Jubbaland iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ah, kuwaas oo Madaxwayne Xassan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay in guddigaan uu ku doonayo m boob doorasho.

 

Ugu dambeyntii dhawaan ayay aheyd markii guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka uu Muqdisho ka shaaciyay jadwalka doorashada, islamarkaana sidoo kale sheegeen iney furan tahay diiwaan gelinta ururrada siyaasadda.