Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta Galmudug oo Cadaado tagay

1681

Magalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa xalay waxaa ku hoyday Xubnaha Guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Deegaanada Galmudug,kuwaas oo maalmahaan ku sugnaa Magalada Gaalkacyo.

Guddiga oo deegaannada Galmudug ka wada wadatashiyo ayaa la filayaa in Maanta oo talaado ah inay la kulmaan Odayaasha iyo Waxgaradka Magalada Cadaado.

Labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada hadli doonaan Arimo la xiriira shirka dib u heshiisiinta deegaannada Galmudug iyo sidii reer Gaalkacyo ugu qeyb gali lahayeen gogosha dib u heshiisiinta ee taalla Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa socdaalkooda horay ugu soo maray Xeraale Huurshe, Balanbal iyo Caabuud-waaq iyo gaalkacyo, waxaana dhammaan deegaannadii ay tageen waxgaradka ku nool ay la wadaageen qorshaha ay wadaan.